• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, October 12, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Cirro oo Safar Rasmi ah Ku Tegay Dalka Jabuuti

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cirro
Share

Cirro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, isagoo ka jawaabaya martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa ka kooban xubno sare oo ka tirsan golaha wasiirrada iyo la-taliyeyaal dhow, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb galaan kulammo dhowr ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa salka ku haya dib u dhiska xidhiidhka diblomaasiyadeed, kor u qaadidda iskaashiga ganacsi iyo sidii looga shaqeyn lahaa arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay heshiiskii is-faham ee Somaliland la saxiixatay dowladda Itoobiya, taasoo ay Jabuuti horey uga soo horjeesatay. Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in safarka Cirro uu qayb ka yahay dadaallada dib loogu hagaajinayo xiriirka labada dhinac.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda Jabuuti, waxaana lagu wadaa in la isku afgartay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta ganacsiga, xoojinta amniga iyo iskaashi dhaqaale oo dhexmara labada dal.

Tan iyo intii xilka loo doortay, Cirro wuxuu safarro dibadeed ku tagay dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkiisa Jabuuti uu noqonayo kisii saddexaad oo dibadeed ee uu aado tan iyo markii uu xilka la wareegay


Share
Tags: abdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)Dalka JabuutiMadaxweyne CirroSomaliland
Previous Post

DAAWO, Maraykanka oo Soo Bandhigay Muuqaalka Duqeyn Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Daacish Soomaaliya

Next Post

Puntland oo Dib Ugu Biirtay Wadahadallada Dowladda Federaalka

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Maamulka Puntland

Puntland oo Dib Ugu Biirtay Wadahadallada Dowladda Federaalka

Xasan Cali Khayre

Xasan Cali Khayre oo Si Adag u Weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh

NISA

Taliyaha NISA oo Moqokori Kula Kulmay Saraakiisha Ciidanka

Recommended

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 month ago
Madaxweynaha Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska iyo Israa’il oo kahadlay Dib uso Soo Celiyo Xabbad-Joojinta Gaza

7 months ago
Fanaanka Safwaan Hilaac

Fanaanka Safwaan Hilaac oo ku geeriyooday shil gaari oo Hargeysa ka dhacay

1 month ago
Ciidanka Suudaan

Ciidanka Suudaan oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee Khartuum

7 months ago
diblomaasi Soomaaliyeed

Diblomaasi Soomaaliyeed Oo Ku xiran xabsiga ku yaal Cloverhill ee Ireland + SABABTA?

7 months ago
Danjire Cabdixakiin Camay

DAAWO: Danjire Cabdixakiin Camay oo ku tilmaamay doorashada Firdhiye prank siyaasadeed?

1 month ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.