Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Wasiirka cusub Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, isagoo uga mahadceliyey Wasiirkii hore Axmed Fiqi shaqadii uu soo qabtay, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Munaasabadda xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday hay’adaha dowladda, kuwaas oo goob joog ka ahaa isbedelka cusub ee hoggaanka Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre ayaa bogaadiyey dadaalkii Wasiirkii hore Fiqi, isagoo u rajeeyey guul mustaqbalka iyo xilka adag ee lagu wareejiyay ee wasaarada gaashandhiga dalka,
Ra’iisul Wasaare ayaa sido kale waxa uu Wasiirka cusub ku dhiirrigeliyey inuu si hufan u guto waajibaadka culus ee horyaalla, gaar ahaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.


Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah