Wararka24: Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay ciidamo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu qabtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay kasoo gudbeen dhanka Galmudug. Ciidamada ayaa lagu qabtay laba gaari oo waaweyn oo ay leedahay Dowladda Federaalka, sida uu sheegay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug.
Taliyaha, Gaashaanle Sare Maxamuud Muuse Bille oo loo yaqaan Fardafuul, ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ciidamada la qabtay ay ku jiraan askar, saraakiil iyo macallimiin tababbarayaal ah. Wuxuu sheegay in ciidamadan ay booliska Puntland qabteen abaare 6:00 subaxnimo, xilli ay gudaha u soo galeen waqooyiga Gaalkacyo.
Fardafuul ayaa sheegay in labada gaari ay ciidamadu ku soo gudbeen kastamka dhexe, kadibna lagu qabtay gudaha magaalada, iyadoo ay u socdeen dhanka Puntland. Sida uu sheegay, ciidanka waxaa ka mid ahaa madaxa tababarrada gobollada dhexe, Carab Maxamed Maxamuud, iyo macallimiin kale oo la socday.
Taliyaha ayaa tirada ciidamada ku sheegay ku dhowaad 130 askari iyo saraakiil. Ilo kale oo ka hadlay dhacdada ayaa tirada guud ku sheegay 140, balse Taliska Booliska Gobolka Mudug wuxuu si gaar ah u xaqiijiyay 130 askari oo ku jiray labada gaari.
Fardafuul ayaa sheegay in ciidamada iyo gaadiidkii ay wateen hadda lagu hayo saldhigga dhexe ee Gaalkacyo, iyadoo baaritaanno lagu sameynayo xogta iyo ujeeddada ay ciidamadaasi ugu gudbeen gudaha dhulka Puntland.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan loo waday gudaha Puntland si ay uga fuliyaan falal amni-darro ah. Hase yeeshee, sheegashadaas weli kama soo bixin xaqiijin madax-bannaan, waxaana dowladda Federaalka ilaa hadda aysan si rasmi ah uga hadlin dhacdada ama ujeeddada ciidamadaasi u tageen Gaalkacyo.
Dhanka kale, ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in ciidamada la qabtay ay u badnaayeen dhalinyaro kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug. Wuxuu sheegay in shan ka mid ah ay kasoo jeedaan deegaanada Puntland, halka inta kale ay kasoo jeedaan Galmudug.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka uu ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed iyo mid amni, gaar ahaan arrimaha ciidamada iyo xarumaha ay labada dhinac ku leeyihiin deegaano ka tirsan Puntland.
Maamulka Puntland ayaa horey ula wareegay xarumo ciidan oo ay joogeen ciidamo xiriir la lahaa Dowladda Federaalka, taasoo sii kordhisay xiisadda amni ee ka jirta qaybo ka mid ah Puntland.







