Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo qorsheynaysa dib u furista garoonka Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay dib u furto garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo muddo ku dhow laba sano u xirnaa sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed iyo xiisado ka jiray gobolka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 21, 2026, 5:55 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Federaalka oo qorsheynaysa dib u furista garoonka Doolow
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay dib u furto garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo, kaas oo muddo ku dhow laba sano u xirnaa sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed iyo xiisado ka jiray gobolka.

Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen, dowladda ayaa maalmaha soo socda la filayaa inay qaaddo tallaabada rasmiga ah ee lagu fasaxayo garoonka, kaddib dadaallo lagu xallinayo khilaafkii sababay in la xiro.

Xogta la helayo ayaa tilmaamaysa in wada-hadal gaar ah uu dhexmaray Guddoomiyaha degmada Doolow-Lafeey iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda garoonka iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa howlihiisa.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku afgarteen in garoonka dib loo fasaxo maalmaha soo socda. Dowladda Federaalka ayaa la filayaa inay soo saarto amarka rasmiga ah ee dib loogu bilaabayo shaqada garoonka.

Garoonka Doolow ayaa muddo dheer muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo adeegyada duulimaadyada ee gobolka Gedo. Xiritaankiisa ayaa saameyn ku yeeshay dadka deegaanka iyo isku socodka gobollada kale ee dalka.

Xiritaanka garoonka ayaa la xiriiray xiisad siyaasadeed oo muddo ka taagnayd gobolka Gedo, taas oo qayb ka ahayd khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Khilaafka labada dhinac ayaa saameyn ku yeeshay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo isu socodka gobolka, iyadoo Doolow uu ka mid noqday goobihii uu si weyn u saameeyay loollanka siyaasadeed ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Dib u furista garoonka ayaa la filayaa inay fududeyso isu socodka dadka ku nool gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Soomaaliya. Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha ayaa heli kara fursad ay dib ugu bilaabaan duulimaadyadii garoonka.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo arki karaa qayb ka mid ah dadaallada lagu yareynayo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka Gedo. Si kastaba, go’aanka kama dambaysta ah iyo waqtiga rasmiga ah ee dib u furista ayaa ku xirnaan doona amarka dowladda Federaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

2 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.