Wararka24: Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku baaqay in wadatashi iyo wada-hadal lagu xalliyo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo.
Maxamuud Sayid iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo ay uga qayb-galayaan gogol wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si looga arrinsado mustaqbalka gobolka.
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa sheegay in maamulka uu soo dhoweynayo dadaallada lagu raadinayo xal waara, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo wadajirka bulshada iyo in laga fogaado kala qaybsanaanta siyaasadeed.
“Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado, si loo wada noolaado, siyaasaddana lagu xalliyo wada-hadal iyo is-qaddarin,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in shacabka gobolka ay wadaagaan dano iyo masiir isku mid ah, islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta bulshada si looga gudbo caqabadaha jira.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in arrimaha gobolka aan lagu xallin karin awood iyo iska hor imaad, balse loo baahan yahay hannaan siyaasadeed iyo wadahadal.
Xiisadda siyaasadeed ee gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe soo noqnoqotay, iyadoo saameyn ku yeelatay xaaladaha amni, maamulka iyo adeegyada bulshada. Dhinacyada kala duwan ayaa hore ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafaadka jira si loo helo xasillooni waarta.


















