Wararka24: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa sheegay inuu soo gabagabeynayo howshii diblomaasiyadeed ee uu Muqdisho ka hayay, isaga oo u gudbaya xil cusub oo uu ka qaban doono magaalada Skopje ee Waqooyiga Macedonia.
Aktaş, oo Soomaaliya safiir ka ahaa tan iyo Maarso 2024, ayaa sheegay inuu sharaf weyn u arkayay muddadii uu dalka ka shaqeynayay, isagoo diiradda saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Safiirka ayaa tilmaamay in xiriirka labada dal uusan ku koobnayn oo keliya danaha Soomaaliya iyo Turkiga, balse uu sidoo kale saameyn ku leeyahay gobolka iyo arrimaha caalamiga ah. Wuxuu sheegay in labada dowladood ay muddadii uu xilka hayay iska kaashadeen dhinacyo badan.
Iskaashigaas waxaa ka mid ah dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani’aadamnimada iyo dhisidda awoodda hay’adaha Soomaaliya. Aktaş ayaa sheegay in taageeradaas ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah.
Waxa uu sidoo kale xusay maalgashiga shirkadaha Turkiga ee Soomaaliya, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kobaca dhaqaalaha buluugga ah iyo fursadaha ka jira dhanka hydrocarbons-ka. Sida uu sheegay, horumarradaasi waxay abuuri karaan fursado dheeraad ah oo dhalinyarada Soomaaliyeed uga qeybqaataan kobaca dhaqaalaha dalka.
Aktaş ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga, qoyskiisa iyo shaqaalaha safaaradda ugu soo dhaweeyeen dalka. Wuxuu sheegay in intii ay Soomaaliya joogeen ay marar badan dareemeen inay ku sugan yihiin guryahooda.
Safiirka ayaa sidoo kale muujiyay kalsooni uu ku qabo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dalka uu awood u leeyahay inuu ka faa’iideysto kheyraadkiisa iyo fursadaha dhaqaale, isla markaana uu sii wado horumarka iyo hannaanka dimuqraadiyadda.
Isagoo xusay sannad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga, ayuu Aktaş sheegay in xiriirka labada dal uu sii xoogeysan doono. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Turkiga ay sii wadi doonto taageerada ay siiso midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.







