Wararka24: 7-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, ayaa ka qeyb-galay Madasha 17aad ee Aljazeera, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya, faragelinta dibadda iyo arrimaha ammaanka gobolka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hortagtay tallaabo uu ku tilmaamay faragelin lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya oo kadhan ah israiil , isaga oo xusay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay ka hor imaanayso xeerarka caalamiga ah iyo mabaadi’da Midowga Afrika. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dalka ay tahay arrin mudnaan u leh dowladda.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee xasilloonida amniga caalamka iyo marinnada ganacsiga, isaga oo sheegay in xasillooni-darro kasta oo halkaas ka dhalata ay saameyn ku yeelan karto dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Wuxuu ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Afrika.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xaaladda Falastiin, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay xal ku saleysan dowladnimo, isla markaana ay aaminsan tahay in xal waara lagu gaari karo hannaan siyaasadeed oo cadaalad ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo sheegay in dowladda, iyada oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ay gaartay horumar dhinaca milatariga, dhaqaale iyo fikirba. Wuxuu ammaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga deegaanka doorka ay ka qaateen howlgallada socda.


















