• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, October 10, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
55 minutes ago
Reading Time: 2 mins read
148 Muwaadiniin
Share

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah.

Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas kala kulmeen xaalado nololeed oo adag.

Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, kaas oo muwaadiniinta ku qaabilay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dib-u-celinta waxaa si wadajir ah u fuliyay Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalalka kale. “Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta ku soo dhoweyno muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa Yemen.

Dowladda waxay dammaanad qaadaysaa nolosha iyo daryeelka dadkaas inta ay si nabad ah ugu laabanayaan deegaannadooda,” ayuu yiri wasiirka.

Muwaadiniintan ayaa qayb ka ah Soomaalida sannadihii la soo dhaafay dhibaatada kala kulmay colaadaha iyo duruufaha adag ee ka taagan Yemen.

Bishii hore, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalka dib ugu soo celisay 173 muwaadiniin oo laga sii daayay xabsiyada dalka Libya, kuwaas oo muddo dheer ku jiray xaalado adag. Dowladda ayaa ku guuleysatay dadaal dheer oo lagu soo badbaadiyay dhalinyaradaasi..


Share
Tags: 148 Muwaadiniinwararka mantawararka somalia
Previous Post

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

Wararka24 News Desk

Wararka24 News Desk

Related Posts

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Ciidanka Xoogga Dalka

Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM oo la wareegay degmada Awdheegle.

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Awdheegle (Wararka24) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM...

Recommended

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

2 months ago
Puntland

Puntland oo Maxkamad Horgeysay Rag Xiriir La Leh Daacish iyo Shabaab

5 months ago
Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saartay Go’aanno Culus, Digniin Adagna U Diray Shacabka + Faahfaahin

7 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

2 weeks ago
Dowladda Jabuuti

Dowladda Jabuuti oo Ka saaraysa dalkeeda Dad Ajaanib ah oo ay Ku Jiraan Soomaali

5 months ago
Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan, Kadib safar degdeg ah uu ku Tagay Magaalada Ankara.

8 months ago
Washington post

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.