• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

136 xildhibaan oo digniin u diray madaxweyne Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
136 xildhibaan oo digniin u diray madaxweyne Xasan Sheekh
Share

Wararka24: 136 xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa taageeray qabashada doorashada Koonfur Galbeed, iyagoo digniin u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in doorashada Koonfur Galbeed ay noqoto mid daah furan oo loo dhan yahay, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo mabaadi’da federaalka.

War murtiyeed ay soo saareen ayay ku cambaareeyeen waxa ay ku tilmaameen tallaabooyin ay dowladda federaalka ka qaaday Koonfur Galbeed, oo ay sheegeen inay saameyn ku leeyihiin amniga iyo xasilloonida.

Waxay sidoo kale uga digeen madaxweynaha iyo xukuumaddiisa in la sii wado ku tumashada dastuurka iyo ku takri falka awoodda, iyagoo xusay in arrintaasi ay wiiqi karto nidaamka federaalka.

Xildhibaannada ayaa sheegay in haddii aan wax laga beddelin xaaladda, ay qaadi karaan tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah madaxweynaha, oo ay ku jirto arrimo la xiriira xil ka qaadis.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen maamulada HirShabelle iyo Galmudug inay qabtaan doorashooyin waafaqsan dastuurkooda iyo dastuurka KMG ee dalka.

War murtiyeedkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed, kaas oo galay marxalad xasaasi ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.