Wararka24: Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan kadib hadallo la xiriira arrimaha siyaasadda oo ay jeediyeen.
Murankan ayaa yimid kadib markii xoghayaha guddiga Faaduma Cabdiqani Yuusuf ay si fagaare ah u muujisay taageerada dib u doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Taageeradan ayaa dhalisay dood ku saabsan dhexdhexaadnimada iyo madax bannaanida guddiga, iyadoo falanqeeyayaal sharci ay sheegeen in arrintan ay ka hor imaaneyso waajibaadka hay’adaha xuquuqda aadanaha.
Dad badan oo ka tirsan bulshada rayidka ayaa xusay in mabaadi’da caalamiga ah ay ku adkeynayaan in hay’adaha noocan ah ay ka fogaadaan saameyn siyaasadeed.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in sharciga dhismaha guddiga uu waajibinayo in xubnuhu muujiyaan dhexdhexaadnimo buuxda oo aysan ku lug yeelan arrimo siyaasadeed.
Warar kale ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga ay su’aal geliyeen tallaabada ay qaaday xoghayaha, iyagoo ku tilmaamay mid dhaawaceysa sumcadda hay’adda.
Arrintan ayaa kusoo biirtay walaac hore oo laga qabay habka loo soo xulay hoggaanka guddiga, iyadoo ay jireen eedeymo la xiriira faragelin iyo wax isdaba marin.
Ilaa iyo hadda, guddiga xuquuqda aadanaha Soomaaliya kama uusan soo saarin wax war rasmi ah oo uu uga jawaabayo dhaliilaha jira.


















