• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xogta Burcadbadeed weerar ku qaday laba markab oo marayay xeebaha Puntand

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xogta Burcadbadeed weerar ku qaday laba markab oo marayay xeebaha Puntand
Share

Wararka24: Wararka laga helayo xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxo burcadbadeed ah ay maanta weerarro ku qaadeen laba markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka u dhow Gacanka Cadmeed. Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, labada markab ayaa ugu dambeyn ka badbaaday isku dayadii lagu doonayay in lagu afduubo ama lagu qabsado.

Weerarka koowaad ayaa la sheegay inuu ku dhacay markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo ku socdaalayay calanka Panama. Wararka ayaa tilmaamaya in koox hubeysan oo saarneyd doon yar ay u soo dhawaatay markabka xilli uu marayay meel ku dhow xeebaha koonfureed ee Yemen.

Shirkadda amniga badaha ee Vanguard Tech ayaa sheegtay in ragga hubeysan ay rasaas ku fureen markabka. Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay kordhiyeen xawaaraha markabka, taas oo u sahashay inay ka baxsadaan goobta weerarka ka dhacay.

Dhanka kale, weerar labaad ayaa lagu qaaday markab kale oo xamuul siday oo watay calanka Palau. Markabkan ayaa la sheegay inuu ku sugnaa meel qiyaastii 32 mayl koonfur kaga beegan degmada Xaafuun ee gobolka Bari markii ay weerareen laba doon oo ay saarnaayeen rag hubeysan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ilaalada markabka ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday. Israsaaseyn kooban oo dhex martay labada dhinac ayaa la sheegay inay socotay muddo ku dhow nus saac.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan wararka la xiriira dib usoo noqoshada falalka burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya. Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray dhacdooyin kale oo lala xiriiriyay kooxaha burcadbadeedda, kuwaas oo lagu beegsaday maraakiib iyo doonyo ganacsi.

Khubarada amniga badaha ayaa hore uga digay in kororka falalkan uu halis ku noqon karo isku socodka ganacsiga badda iyo amniga marin-biyoodka gobolka. Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo dib usoo laabashada burcadbadeednimada oo dhowr sano ka hor si weyn hoos ugu dhacday.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.