Wararka24: Madaxweynaha cusub ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta sameeyay magacaabistiisii ugu horreysay tan iyo markii uu si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaaminta maamulkaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo maamulka cusub ee uu hoggaaminayo.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Cabdinaasir Yuusuf Maxamed inuu noqdo Agaasimaha Ku Meel Gaarka ah ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed. Mas’uulka la magacaabay ayaa loo xil saaray inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla madaxtooyada iyo habsami u socodka maamulka.
Qoraalka rasmiga ah ee magacaabista ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu xoojinayo howlaha maamulka inta lagu guda jiro marxaladda kala guurka. Dowladda cusub ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda sii waddo magacaabista mas’uuliyiin kale oo ka shaqeyn doona hay’adaha kala duwan ee maamulka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweyne Aadan Madoobe uu wado qorshe uu ku soo magacaabayo xubnaha golihiisa wasiirrada. Magacaabistaas ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato dhismaha iyo hagidda maamulka cusub ee Koonfur Galbeed.
Markii uu xilka la wareegayay ayuu Madaxweyne Aadan Madoobe sheegay inuu xoogga saari doono gudashada waajibaadka loo igmaday. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hoggaankii ku meel gaarka ahaa dadaalladii ay geliyeen maareynta maamulka intii lagu jiray xilliga kala guurka.
Dhanka kale, isbeddelkan hoggaamineed ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed oo la xiriira doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed. Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore u muujiyay diidmo ku aaddan habkii loo maray doorashada, iyadoo guud ahaan dalka ay weli ka jiraan doodo ku saabsan hannaanka doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.


















