Wararka24: Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka James Mattis ayaa ka hadlay xaaladda dagaalka Iran iyo saameynta uu ku leeyahay marinka Hormuz, isagoo sheegay in xaaladdu tahay mid aad u adag.
Mattis ayaa dhaliilay maamulka madaxweyne Donald Trump, isagoo ku eedeeyay inuu ka maqan yahay istaraatiijiyad cad oo lagu wajahayo Iran, taasoo keentay hubanti la’aan ku saabsan jihada dagaalka.
Wuxuu ka digay in haddii Mareykanku uu si degdeg ah uga baxo gobolka, ay Iran si buuxda ula wareegi karto gacan ku heynta marinka Hormuz, isla markaana ay canshuur ku soo rogi karto maraakiibta halkaasi mara.
Sidoo kale, wuxuu xusay in ilaalinta maraakiibta marinkaasi ay tahay mid aad u adag, maadaama Iran ay weli haysato awood ay ku weerari karto bartilmaameedyada badda.
Mattis ayaa tilmaamay in duqeymaha cirka aysan beddeli karin istaraatiijiyad la’aanta, isla markaana loo baahan yahay qorshe fog oo cad.
Dhanka kale, falanqeeyayaal kale ayaa sheegay in isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Iran uu yahay mid adag, iyadoo nidaamka dalkaasi uu leeyahay awood uu ku sii jiro.
Xaaladda tamarta caalamka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay colaadda, iyadoo qiimaha shidaalka uu sare u kacay, inkastoo uu hoos u dhacay wax yar maalmahan dambe.
Mattis ayaa ugu dambeyn ku baaqay in Mareykanku la shaqeeyo xulafadiisa si loo helo xal waara oo lagu dejiyo xiisadda.


















