Wararka24: 7-02-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa galabta kulan afur ah la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ciidamada ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen sugidda amniga dalka, gaar ahaan sida ay u suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ay bisha Ramadaan ku soomaan nabad iyo xasillooni.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale ku ammaanay ciidamada dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan howlaha lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.


















