Wararka24: Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay guul ka gaartay xaaladda Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in ciidamada ay la wareegeen magaalada Baydhabo.
Wasiirka ayaa sheegay in tallaabadan ay meesha ka saartay caqabado horay u jiray, islamarkaana ay furayso waddo cusub oo ku aaddan dowlad dhis iyo horumar.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, isagoo sheegay inay qaateen go’aan muhiim ah oo la xiriira xaaladda Koonfur Galbeed.
Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in marxaladda xigta ay tahay dhismaha maamul loo dhan yahay oo ku dhisan nidaam dimoqraadi ah iyo doorasho qof iyo cod ah.
Wuxuu intaas ku daray in aan la oggolaan doonin wax aargoosi ah, isla markaana la dhiirrigelin doono midnimo, wadajir iyo nabad.
Sidoo kale, wuxuu ammaanay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isagoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen isbeddelka ka dhacay Baydhabo.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.


















