• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasiir Cali Xoosh oo si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Puntland
Share

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu wasiirku ku sheegay in war-murtiyeedkii kasoo baxay Puntland uusan u adeegeyn shacabka Soomaaliyeed, balse uu qeyb ka yahay waxa uu ku tilmaamay dadaallo lagu carqaladeynayo geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Cali Xoosh ayaa sheegay in siyaasadda Deni ay ku dhisan tahay ka hor imaanshaha qorshayaasha horumarineed iyo taageeridda arrimo horseedi kara kala qeybsanaan iyo dib u dhac siyaasadeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu hore uga horyimid qorshayaal ay kamid yihiin deyn cafinta Soomaaliya, hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, ka faa’iideysiga khayraadka dalka iyo dhismaha ciidamada qaranka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Puntland mararka qaar loo adeegsaday cadaadis siyaasadeed oo lagu saaro dowladda dhexe, isagoo ku dooday in taasi ay dhaawacayso dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid maalin kadib markii Puntland ay shaacisay in aysan aqoonsanayn sharciyadda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud, isla markaana ay ku baaqday in la qabto shir siyaasadeed oo degdeg ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Puntland ayaa dhankeeda ku adkeysatay in loo baahan yahay wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed si looga gudbo khilaafaadka taagan loona gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Hadalladan is dhaafsiga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu ay weli isku khilaafsan yihiin arrimo la xiriira doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.