• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wafdi ka socda IGAD oo kulamo muhim ah ka wada Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wafdi ka socda IGAD oo kulamo muhim ah ka wada Muqdisho
Share

Wararka24: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur-goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD, gaar ahaan dhinacyada shaqada, socdaalka shaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka gobolka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Baratakoolka Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Gobolka IGAD.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha, fududeynta isu-socodka sharciyeysan ee shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo gacan ka geysan kara koboca dhaqaalaha iyo xoojinta isdhexgalka bulshada ee gobolka.

Wasiir Prof. Saalim Caliyow ayaa uga mahadceliyay wafdiga IGAD booqashadooda iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay in wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay IGAD iyo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), si loo hirgeliyo siyaasado iyo barnaamijyo lagu horumarinayo suuqa shaqada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadista shaqo-abuurka, fududeynta socdaalka shaqaalaha iyo taageeridda horumar waara oo ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, iyadoo la doonayo in la horumariyo suuqa shaqada, la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, isla markaana la abuuro fursado dhaqaale oo cusub oo u adeegaya horumarka dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.