Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wafdi ka socda IGAD oo kulamo muhim ah ka wada Muqdisho

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur-goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 9, 2026, 11:41 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Wafdi ka socda IGAD oo kulamo muhim ah ka wada Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Urur-goboleedka IGAD, kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD, gaar ahaan dhinacyada shaqada, socdaalka shaqaalaha iyo isdhexgalka dalalka gobolka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Baratakoolka Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Gobolka IGAD.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha, fududeynta isu-socodka sharciyeysan ee shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo gacan ka geysan kara koboca dhaqaalaha iyo xoojinta isdhexgalka bulshada ee gobolka.

Wasiir Prof. Saalim Caliyow ayaa uga mahadceliyay wafdiga IGAD booqashadooda iyo taageerada ay siiyaan Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay in wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay IGAD iyo Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), si loo hirgeliyo siyaasado iyo barnaamijyo lagu horumarinayo suuqa shaqada.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadista shaqo-abuurka, fududeynta socdaalka shaqaalaha iyo taageeridda horumar waara oo ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, iyadoo la doonayo in la horumariyo suuqa shaqada, la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, isla markaana la abuuro fursado dhaqaale oo cusub oo u adeegaya horumarka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.