Wararka24: Ururka Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa ka digay in filashada El Niño ay sii xoogeysaneysa bilaha soo socda, taas oo kordhin karta khatarta abaaraha, fatahaadaha iyo kulaylka daran ee ka dhaca qaybo badan oo dunida ah.
WMO ayaa sheegtay in El Niño si rasmi ah uga hanaqaaday Badweynta Baasifigga, iyadoo saadaasha ugu dambeysay ay muujineyso in ay ku dhowdahay boqolkiiba 100 suuragalnimada inuu sii jiro ilaa Febraayo 2027. Dhacdadan ayaa la filayaa inay gaarto heer aad u xooggan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in dunidu ay ku jirto “aag khatar ah oo cimilo ba’an”, isagoo ku boorriyay dalalka inay xoojiyaan tallaabooyinka looga hortagayo saameynta cimilada daran.
El Niño waa dhacdo dabiici ah oo ka dhalata kulaylka aan caadiga ahayn ee biyaha Badweynta Baasifigga. Isbeddelkaas ayaa saameyn ku yeelan kara qaababka roobabka, heerkulka iyo wareegga hawada ee meelo aad uga fog Baasifigga.
WMO waxay sheegtay in heerkulka biyaha dusha sare ee aagga muhiimka ah uu yahay 3.4,iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay gaaray qiyaastii 2.2 ilaa 2.6 heerkulka oo ka sarreeya celceliska, halka heerkulka biyaha hoostooda meelo ka mid ah uu in ka badan 8 darajo ka sarreeyay biyaha caadiga.
Hay’addu waxay sheegtay in El Niño aad u xooggan uu kordhin karo isbeddellada roobabka iyo heerkulka meelo badan oo dunida ah, balse xoogga dhacdadu uusan si toos ah u go’aaminayn baaxadda saameynta ka dhalan doonta.
WMO ayaa sidoo kale sheegtay in saadaasha bilaha Sebtembar ilaa Nofeembar 2026 ay muujineyso fursad sare oo heerkul ka sarreeya caadiga ah uu ka dhaco ku dhowaad dhammaan dhulalka dunida. Saameynta El Niño ayaa sidoo kale sii jiri karta xitaa marka uu ifafaalahaasi gaaro heerkiisa ugu sarreeya.
Xoghayaha Guud ee WMO, Celeste Saulo, ayaa sheegtay in El Niño u saameyn weyn ku yeesho bulshooyinka iyo dhaqaalaha caalamka, iyadoo ay horey u muuqdaan dhibaatooyin ka dhashay abaaro iyo fatahaado.
WMO waxay sheegtay inay xoojinayso nidaamyada digniinta hore iyo diyaar-garowga, iyadoo la kaashanaysa adeegyada saadaasha hawada ee dalalka si bulshooyinka iyo hay’adaha gargaarku ay waqti hore ugu diyaar garoobaan xaaladaha cimilo ee daran.







