• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 4 mins read
Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha
Share

Wararka24: Baruurta caloosha ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dad badan, gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo saameyn ku yeelata muuqaalka iyo caafimaadka guud. Khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in dufanka ku urura aagga caloosha uu kordhiyo halista cudurrada sida sonkorowga, dhiig karka iyo cudurrada wadnaha.

Cilmi baarisyo caafimaad ayaa muujiyay in baruurta caloosha ay sii deyso walxo sababi kara caabuq gudaha jirka ah, taas oo dhaawac u geysan karta xididdada dhiigga. Sidaa darteed, dhimista baruurta noocan ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah ilaalinta caafimaadka.

1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka

Mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ayaa ah in la ilaaliyo waqtiga cuntada, gaar ahaan in laga fogaado cunista saacado yar ka hor hurdada. Cuntooyinka habeenkii la cuno ayaa si fudud ugu beddelma dufan maadaama jirku aanu si firfircoon u gubin kalooriyada waqtigaas.

2. Qaado cunto dheeli tiran

Sidoo kale, cunto dheeli tiran oo hodan ku ah fiber iyo borotiin ayaa muhiim u ah yaraynta baruurta. Cuntooyinka noocan ah waxay kaa caawinayaan inaad dareento dhereg muddo dheer, isla markaana hoos u dhigaan rabitaanka cunnooyinka fudud ee aan caafimaadka lahayn.

3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee Carb ku badan yahay

Khubarada ayaa sidoo kale ku talinaya in laga fogaado cuntooyinka aadka loo warshadeeyay, gaar ahaan kuwa hodanka ku ah karbohaydraytyada. Cuntooyinkan ayaa si fudud u kordhiya miisaanka isla markaana keena uruurinta baruurta caloosha.

4. Hurdo kugu filan seexo

Hurdo kugu filan oo joogto ah ayaa door weyn ka qaadata xakamaynta hormoonnada gaajada. Hurdo la’aanta waxay kordhisaa rabitaanka cuntada, taas oo keeni karta miisaan koror.

5. Muhiimadda jimicsiga joogtada ah

Ugu dambeyn, jimicsiga joogtada ah ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee gubaya baruurta. Dhaqdhaqaaqyada sida socodka, orodka iyo dabaasha waxay ka caawiyaan jirka inuu gubo kalooriyada isla markaana hoos u dhigo baruurta caloosha. Arimaha caafimadka iyo guud ahan wararka malinlaha ah kalasoco WARARKA24


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.