Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Indonesia oo sababay dhimasha iyo bubur

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 7.7 aya maanta oo Sabtidii ka dhacay bariga Indonesia, sida ay sheegeen hay’adaha samatabbixinta. Dhulgariirka oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha jasiiradda Flores ayaa sababay burbur dhismayaal,…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 15, 2026, 12:52 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Indonesia oo sababay dhimasha iyo bubur
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dhulgariir cabbirkiisu yahay 7.7 aya maanta oo Sabtidii ka dhacay bariga Indonesia, sida ay sheegeen hay’adaha samatabbixinta. Dhulgariirka oo ka dhacay meel ka baxsan xeebaha jasiiradda Flores ayaa sababay burbur dhismayaal, dhul-go’ iyo in kumannaan qof ay ka cararaan guryahooda.

Magaalada dekedda ah ee Maumere, oo ka tirsan gobolka Sikka, kooxaha samatabbixinta ayaa helay 20 qof oo dhintay, lix dhaawac ah iyo laba qof oo weli ku xayiran burburka hoostiisa. Maumere ayaa ka mid ah meelaha sida weyn uu u saameeyay dhulgariirku, iyadoo kooxaha gurmadku ay sii wadaan baaritaanka dhismayaasha burburay.

Dhulgariirka ayaa sidoo kale saameeyay gobolka Nagekeo oo ku dhow halka uu dhulgariirku ka dhacay. Isgaarsiinta halkaas ayaa hakad gashay, iyadoo dhul-go’ ay xannibeen waddooyin muhiim ah oo ay ku adkaatay in kooxaha samatabbixintu ay gaaraan meelaha ay dhibaatadu ka dhacday sida warbahinta CNBC warisay.

Hay’adda qaranka ee maaraynta musiibooyinka Indonesia ayaa sheegtay in ku dhowaad 2,000 oo qof ay ka qaxeen Nagekeo. Burburka ayaa laga soo sheegay dhismayaal, bakhaarro iyo xarumo dowladeed, halka koronto la’aan iyo ciriiri gaadiidna laga diiwaangeliyay qaybo ka mid ah gobolka.

Dhulgariirka ayaa sababay mowjado tsunami ah oo ka hooseeyay hal mitir qeybo ka mid ah Indonesia. Digniinta tsunami-ga ayaa la qaaday qiyaastii saddex saacadood kadib, iyadoo mas’uuliyiintu ay sii wadeen la socodka gariirrada dambe ee dhacay.

Hay’adda juqraafiga Indonesia ee BMKG ayaa sheegtay in dhulgariirku dhacay saacadihii hore ee maanta oo Sabti ah, iyadoo baaxadisa lagu qiyaasay 15 kiiloomitir. Gariir xooggan ayaa laga dareemay qaybo ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Nusa Tenggara iyo Koonfurta Sulawesi.

Isbitaallo ku yaalla meelaha ay dhibaatadu gaartay ayaa bukaanno u raray bannaanka sababo la xiriira cabsi laga qabo burbur kale iyo gariirrada dambe. Waddooyin qaar ayaa xirmay kadib dhul-go’, taas oo sii adkeysay dadaallada gurmadka iyo is gaarsiinta adeegyada degdegga ah.

Dhulgariirkii 1992 oo ka dhacay isla gobolkan

Indonesia waxay ku taallaa aagga loo yaqaan “Ring of Fire” ee Badweynta Baasifigga, halkaas oo dhaqdhaqaaqa taarikada dhulka uu sababo dhulgariirro iyo foolkaanooyin badan. Dhulgariirkii 1992 ee Flores oo cabbirkiisu ahaa 7.5 ayaa sidoo kale sababay burbur iyo khasaaro xooggan oo ka dhacay isla gobolkan


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.