Wararka24: 14-02-2026;Dowladda UK ayaa maxkamad soo taagaysa nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka safray UK una baxay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato dagaallada kooxdaasi.
Ninka la tuhunsan yahay, Mohamed Farah Mohamoud, oo kasoo jeeda magaalada Bristol, ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheeyay falal argagixiso, isla markaana uu shan toddobaad ku sugnaa dal Afrikaan ah intii u dhexeysay 29-kii Janaayo ilaa 4-tii Maarso 2025.
Eedeysanaha oo 21 jir ah, kuna nool xaafadda Francombe Grove, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu tagay goobo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda isku magacaabta Dowladda Islaamiga ah (IS).
Jimcihii ayuu ka soo hormuuqday maxkamadda Old Bailey, halkaas oo lagu qabtay dhageysi hordhac ah. Garsoore Cheema-Grubb ayaa go’aamisay in dacwadda si rasmi ah u bilaabato 3-da Agoosto, iyadoo lagu qaadi doono Maxkamadda Winchester Crown Court.
Mohamed Farah Mohamoud ayaa wajahaya dacwad la xiriirta ku lug lahaanshaha falal argagixiso, taasoo jabinaysa Qodobka 5-aad ee Sharciga Argagixisada UK ee 2000.


















