• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay doon ku degtay xeebaha Liibiya
Share

Wararka24: Ugu yaraan 50 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen ama lagu la’yahay badda Mediterranean-ka kadib markii doon alwaax ah oo ay saarnaayeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha bari ee Liibiya.

Sida ay ilo amni u sheegeen Reuters, 10 qof ayaa laga soo badbaadiyay shilka. Dadkaas ayaa laga helay agagaarka jasiiradda El-Bardaa oo qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan magaalada Tobruk, una dhow xadka Masar.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ku dhowaad 60 muhaajiriin ah oo kasoo jeeday dalal kala duwan oo ku yaalla Afrika. Waxay sheegeen in safarkoda badda ay billabeen aroortii hore, ka hor inta aysan doontu degin.

Liibiya ayaa weli ah marin muhiim u ah muhaajiriinta isku daya inay gaaraan Yurub, iyagoo ka tallaabaya saxaraha iyo badda Mediterranean-ka. Hay’adaha caalamiga ah ayaa marar badan ka digay halista safarradaasi, kuwaas oo sannad kasta sababa dhimasho iyo dad badan oo lagu la’yahay badda.

Dhacdo kale oo ka dhacday isla gobolka, kooxaha gurmadka ee magaalada Tobruk ayaa Isniintii soo saaray meydadka afar muhaajiriin ah, halka ay badbaadiyeen 24 kale kadib markii doontoodii ay laba toddobaad ku dhex sabeynaysay biyaha Liibiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in afarta qof ay u geeriyoodeen duruufihii adkaa ee ay kala kulmeen safarka badda, halka dadka la badbaadiyay loo qaaday isbitaallo si loo siiyo daryeel caafimaad. Bishii Juun, sidoo kale waxaa xeebaha Tobruk laga soo saaray meydadka ku dhowaad 26 muhaajiriin ah kadib markii doon kale ay ku degtay meel u dhow magaalada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.