Wararka24: Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan hayn wax xog ah oo ku saabsan duqeyn ka dhacday xeebaha Puntland, taas oo lagu dilay dad lagu sheegay kalluumaysato iyo shaqsiyaad looga shakisan yahay inay xiriir la lahaayeen burcad-badeedda Soomaalida. Hadalka Ankara ayaa yimid xilli Puntland ay si adag uga hadashay weerarrada ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga oo la hadlay BBC Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Turkiga aysan hayn xog ku saabsan duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyeen xeebaha Puntland. Sarkaalka ayaa sidaas uga jawaabay wararka la xiriirinaya Turkiga weerarrada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka.
Puntland ayaa horay u cambaareysay duqeymaha, iyadoo sheegtay in dadka la beegsaday ay ka mid ahaayeen kalluumaysato iyo dad rayid ah. Maamulka ayaa sidoo kale ku adkeystay in haddii dadka la dilay looga shakisan yahay dambiyo, ay jiraan habraacyo sharci oo loo maro.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Maxamuud Qabowsade, ayaa sheegay in dilka dad aan maxkamad la horgeyn ay ka hor imaan karto shuruucda caalamiga ah. Wuxuu ku baaqay in si cad loo ogaado cidda ka dambeysa weerarrada iyo sababta loo beegsaday dadka ku sugnaa xeebaha.
Maalintii shalay ayaa la sheegay in sagaal qof lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jiifle, oo hoos yimaada Godobjiraan ee gobolka Nugaal. Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin cidda fulisay duqeynta iyo aqoonsiga dhammaan dadka lagu dilay weerarka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in diyaarado dagaal oo lagu tuhunsan yahay inay leeyihiin Turkiga ay maalmihii lasoo dhaafay duqeymo ka wadeen goob lagu haysto markabka M/V LUTUF, kaas oo la sheegay inuu xamuul u siday Turkiga. Hase yeeshee, dowladda Turkiga ayaa sheegtay inaysan hayn xog ku saabsan duqeymahaas.
Dhanka kale, dadka ku nool deegaannada xeebaha Nugaal ayaa la sheegay inay bilaabeen inay ka cararaan goobaha ay ku nool yihiin, iyagoo ka cabsi qaba in duqeymo kale ay dhacaan. Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli xeebaha Soomaaliya ay dib uga soo cusboonaadeen afduubka maraakiibta iyo falalka burcad-badeednimada.
Puntland ayaa dalbatay in dhinacyada ku lugta leh howl-gallada xeebaha ay bixiyaan sharaxaad cad, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay la socoto xaaladda ayna diyaarinayso warbixin ku saabsan dhacdooyinka.







