Wararka24: 28-02-2026 Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Saayid, ku wargeliyay in Sacuudi Carabiya ay soo jeedisay in cunaqabateyn lagu soo rogo Abu Dhabi, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan taageerada Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF).
Sida warbixintu xustay, farriintan ayaa lagu gaarsiiyay taleefan bishii Nofembar, waxyar kadib booqasho uu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, ku tegay Aqalka Cad.
Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in Sacuudigu uu cadaadis ku saaray Washington in tallaabo adag laga qaado xaaladda Suudaan. Trump ayaa hore uga hadlay madal ganacsi oo ka dhacday Washington in Boqortooyada Sacuudiga ay rabto tallaabo xooggan oo la xiriirta Suudaan, isaga oo sheegay in arrintaasi ay socoto.
Sacuudi Carabiya ayaa isku dayday inay dhex-dhexaadiso colaadda u dhaxeysa RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdulfataax Al-Burhaan.
Dhanka kale, Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inuu taageero siiyo RSF, inkastoo Abu Dhabi ay marar badan beenisay eedeymahaas. Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in xaaladda ka taagan Darfuur ay tahay mid halis ah oo u baahan feejignaan caalami ah.
Sida laga soo xigtay warbixinta, Trump ayaa u sheegay hoggaamiyaha Imaaraadka in qaar ka mid ah xulafadiisa ay doonayaan tallaabo ka dhan ah Abu Dhabi, balse isagu uusan weli qaadin cunaqabateyn rasmi ah. Mareykanka ayaa toddobaadkii hore cunaqabateyn saaray saraakiil la xiriira RSF, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Waaxda Maaliyadda.
Xiisaddan ayaa muujinaysa loollan sii xoogeysanaya oo u dhexeeya quwadaha gobolka ee ku lug leh Suudaan iyo Yemen, iyadoo ay jirto dadaal diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo khilaafaadka. Ilaa hadda, ma jiro tallaabo rasmi ah oo Mareykanku ka qaaday Imaaraadka marka laga reebo cunaqabateynta la xiriirta shaqsiyaad gaar ah.


















