Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kordhinayo cadaadiska uu saarayo dowladda Israel, arrin la sheegay inay saameyn ku yeelan karto qaar ka mid ah go’aannada militari iyo siyaasadeed ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 25, 2026, 12:21 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu kordhinayo cadaadiska uu saarayo dowladda Israel, arrin la sheegay inay saameyn ku yeelan karto qaar ka mid ah go’aannada militari iyo siyaasadeed ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Warbixin uu baahiyay Channel 13 ayaa lagu sheegay in Washington ay dirtay fariimo muujinaya in Israel laga doonayo inay xaddiddo qaar ka mid ah howlgalladeeda militari, gaar ahaan kuwa la xiriira Lubnaan iyo Marinka Gaza.

Sida wararku tilmaamayaan, ciidamada Israel ayaa loo oggolaaday inay sii wadaan howlaha amni ee ay u arkaan lagama maarmaanka, balse waxaa la sheegay in xannibaado lagu soo rogay weerarro laga fulin karo meelo gaar ah oo ka tirsan Lubnaan, oo ay ku jiraan Beirut iyo Tyre.

Mas’uul sare oo Israeli ah ayaa warbaahinta u sheegay in fariimaha uga yimid Mareykanka toddobaadyadii lasoo dhaafay ay muujinayaan isbeddel ku yimid heerkii taageerada iyo dabacsanaanta hore loogu muujin jiray howlgallada Israel.

Dhanka kale, saraakiisha militariga Israel ayaa wada qiimeyn ku saabsan xaaladda Gaza iyo qorshayaasha la xiriira dagaalka lagula jiro Xamaas. Wararka ayaa sheegaya in go’aannada ku saabsan howlgal kasta oo cusub ay ku xirnaan doonaan talada hoggaanka siyaasadda dalkaas.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay in ciidamada Israel ay sii joogi doonaan aagagga ay dowladdaasi u aragto kuwo muhiim u ah amniga, gaar ahaan koonfurta Lubnaan.

Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiisadaha Bariga Dhexe, kadib wada-hadallo dhex maray Mareykanka iyo Iiraan. Dadaalladaas ayaa ujeedkoodu yahay in laga hortago isku dhac cusub oo ka dhaca gobolka.

Si kastaba, ma jiraan illaa hadda warar rasmi ah oo ka soo baxay Aqalka Cad oo si toos ah u xaqiijinaya in xayiraado cusub lagu soo rogay Israel, iyadoo arrinta inteeda badan ay ku saleysan tahay warbixinno ay daabaceen warbaahinta Israel.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

21 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

22 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

23 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.