• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, November 23, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 month ago
Reading Time: 1 min read
Sucuudiga oo Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan u magacaabay Muftiga Guud ee Boqortooyada
Share

Riyaad – Boqortooyada Sucuudiga ayaa si rasmi ah u magacowday Dr. Sheekh Saalax Cabdillaahi Al-Fowsaan inuu noqdo Muftiga guud ee dalka, kaddib geeridii dhowaan ku timid muftigii hore, Sheekh Cabdicasiis Aala Sheekh.

Sheekh Saalax Al-Fowsaan, oo ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Golaha Sare ee Culimada Sucuudiga, ayaa caan ku ahaa fatwooyin iyo muxaadarooyin si weyn looga dhageysto gudaha iyo dibadda Sucuudiga. Magacaabistiisa ayaa timid kaddib wareegto boqortooyo oo uu saxiixay Boqor Salmaan bin Cabdicasiis Al-Sacuud.

Mansabka Muftiga guud ayaa ka mid ah jagooyinka ugu sarreeya ee diimeed ee dalka Sucuudiga, waxaana uu door weyn ka qaataa soo saarista fatwooyinka, hagidda arrimaha diinta, iyo talo-bixinta ku saabsan shuruucda iyo anshaxa Islaamka.

Sheekh Al-Fowsaan ayaa muddo dheer ahaa macallin sare oo ka tirsan Jaamacadda Imaam Maxamed bin Sucuud ee magaalada Riyaad, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha ruug-caddaaga ah ee saameyn ballaaran ku leh go’aamada diimeed ee dalka.

Magacaabista cusub ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay gudaha Sucuudiga, iyadoo culimada iyo aqoonyahannadu ay sheegeen in Sheekh Al-Fowsaan uu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo diimeed oo qoto dheer, taas oo sii xoojin doonta doorka uu dalka Sucuudiga ku leeyahay dunida Islaamka.


Share
Tags: wararka mantawararka somalia
Previous Post

Mucaaradka oo si adag u cambaareeyay xariga Zamzam Cumar Cali

Next Post

Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa...

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Madaxweyne Donald Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku kulmay Qasriga Boqortooyada ee Riyadh, Saudi Arabia,...

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Muqdisho – Wararka24: Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kasoo...

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Kraaifontein – Wararka24: Warar cusub ayaa kasoo baxaya dil galinkii dambe ee shalay loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo...

arimaha dastuurka

Maxa Ka Soobaxay Kulanki Arimaha Dastuurka oo ay wada yeshen DF iyo Mamul Gobaledyada..

by Ahmed Nour
November 12, 2025

Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo arimaha dastuurka XFS, Mudane Hassan macalin maxamud ayaa manta kulan layeshay wasiiradda dastuurka maamul...

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

by Abdirahman Dahir
November 10, 2025

Washington – Wararka24: Dacwadda u dhaxaysa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salmaan (MBS), iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka...

Load More
Next Post
Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Ciidamada Macawiisleeyda oo weerar culus ku qaaday Al-Shabaab deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan

Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed

Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed

degmada Balanbale

degmada Balanbale Aabe iyo Wiilkiisa ayaa manta loo dilay aano qabiil darteed?

Recommended

Ciidamada Dowladda

Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda oo Weerar Ku Qaaday Al-Shabaab Shabeellaha Dhexe

6 months ago
Jubbaland

Jubbaland oo diiday Qorshe ay wadato hay’ad ka tirsan DF, Dadkeedana ugu digtay

7 months ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

6 months ago
Turkish Airlines

Turkish Airlines ayaa joojisay Duulimaadyadi Casimada Mogadisho + Sababta?

9 months ago
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

1 week ago
dib u dhigista

Dib u Dhigista Sii deynta Maxaabista ee Xamaas ayaa kiciyay Muran iyo Mudaharad

9 months ago
Boosaaso

MARKAB Wado Gaadid DAGAAL Oo cusub OO Yimid Boosaaso + dowlada ugu deeqday puntland?

9 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.