Wararka24: 30-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ay isticmaasho hawada dalka, tallaabadaas oo warbaahinta Israa’iil ay ku tilmaantay jawaabtii ugu horreysay ee “aargoosi diblomaasiyadeed” tan iyo markii Tel Aviv ay aqoonsatay Somaliland.
Go’aankan ayaa ku qasbaya shirkadda Arkia inay beddesho khadka duulimaadkeeda ee taga Thailand, iyadoo hadda kadib mari doonta waddooyin ka dheer kuwii hore, taas oo kordhinaysa waqtiga safarka iyo kharashka shidaalka. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hawada Soomaaliya ay tahay marin muhiim u ah diyaaradaha Israa’iil ee u kala goosha Koonfur-bari Aasiya iyo Tel Aviv.
Sida uu qoray wargeyska Yedioth Ahronoth (Ynet), Arkia ma helin cusbooneysiinta oggolaanshaha maritaanka hawada ee bisha Febraayo. Shirkaddu waxay sheegtay in haddii aan oggolaansho la helin, ay ku qasbanaan doonto inay sii adeegsato waddooyin kale, inkastoo ay xaqiijisay in jadwalka duulimaadyada uusan isbeddeli doonin.
Dhanka kale, shirkadda calanka u sidda Israa’iil ee El Al ayaa sheegtay in aanay weli la kulmin xayiraaddan, maadaama oggolaanshaheeda sanadlaha ah uu shaqaynayo illaa bisha Maarso. Si kastaba, ilo xog-ogaal ah ayaa ka digaya in El Al ay wajihi karto xaalad la mid ah marka uu waqtigaasi dhammaado, taas oo halis gelin karta duulimaadyada caanka ah ee Bangkok iyo Phuket.
Xayiraaddan ayaa kusoo aadaysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay go’aankii 26-kii December ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu Somaliland ugu aqoonsaday dal “madax-bannaan.” Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaantay xadgudub qaawan oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhulkeeda.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti ayaa bishii hore soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku sheegeen in go’aanka Israa’iil uu abuurayo tusaale khatar ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in tallaabadan ay la xiriirto loollanka istiraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Soomaaliya, oo si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada Sare (FIR) sanadihii u dambeeyay, ayaa hadda awood u leh inay go’aamiso cidda mari karta hawadeeda, arrintaas oo loo arko kaarkii ugu horreeyay ee cadaadis diblomaasiyadeed ee Muqdisho adeegsato.


















