Wararka24: 5-02-2026 Qaar ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn u soo dhaweeyay ansixinta dhameystirka Dastuurka Soomaaliya oo ay shalay u codeeyeen Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib wax ka beddel lagu sameeyay cutubyo ka mid ah dastuurka.
Dadkan oo la hadlay Telefishinka Somali Cable ayaa muujiyay farxad iyo rajo ay ka qabaan go’aanka Baarlamaanka, iyagoo u mahadceliyay xildhibaannada iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay sheegeen in tallaabadan ay u arkaan mid muhiim u ah horumarka dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
“Waxay ka dhigan tahay inaan caawa xorownay, waan faraxsanahay runtii dalkeenna hooyo ayaan joognaa dadka maqana waxaan u sheegayaa Muqdisho safe waaye,” ayay tiri hooyo ka mid ah dadkii la wareystay.
Sidoo kale, nin kale oo kamid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu u arko tallaabo muhiim ah oo dalka u horseedi karta dowladnimo buuxda. Wuxuu xusay in go’aanka Baarlamaanka uu yahay guul ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Ansixinta dastuurka ayaa timid kadib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen cutubyada 4-aad ilaa 15-aad ee dastuurka oo horay uga doodayeen mudanayaasha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 36 Senator oo Aqalka Sare ah iyo 185 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ay u codeeyeen ansixinta wax ka beddelka.

















