Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Seyga Madaxweyne Samia Suluhu Hassan oo geeriyooday

Hafidh Ameir Hassan, oo ahaa seyga Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa geeriyooday, sida uu Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania Deogratius Ndejembi ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 7, 2026, 12:49 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Seyga Madaxweyne Samia Suluhu Hassan oo geeriyooday
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hafidh Ameir Hassan, oo ahaa seyga Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa geeriyooday, sida uu Madaxweyne ku-xigeenka Tanzania Deogratius Ndejembi ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah.

Ndejembi ayaa sheegay in Ameir uu geeriyooday 8:00 subaxnimo xilli laga daweynayay xaalad dhanka wadnaha ah, Isbitaalka Emilio Mzena ee Zanzibar. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tacsi u diray Madaxweyne Samia, qoyskeeda, qaraabada iyo shacabka Tanzania.

Sida lagu sheegay wararka ka soo baxay Tanzania, qabanqaabada aaska ayaa ka bilaabatay tulada Kizimkazi ee Zanzibar. Geerida Ameir ayaa dhalisay baroordiiq ka bilaabatay Tanzania, iyadoo sidoo kale ay tacsi u direen madax iyo hay’ado ka tirsan dalalka iyo ururrada Afrika.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa tacsi u diray Madaxweyne Samia iyo shacabka Tanzania, isagoo sheegay in geeridu ay ahayd mid laga naxa . Ruto ayaa sheegay in Madaxweyne Samia ay wayday saaxiibkeedii nolosha, halka carruurtooduna ay waayeen aabbe ay jeclaayeen.

Hafidh Ameir Hassan wuxuu ahaa nin si weyn uga fogaa siyaasadda iyo warbaahinta, waxaana lagu yaqaanay inuu ahaa beeraley Tanzanian ah. Wuxuu guursaday Samia Suluhu Hassan sanadkii 1978, waxayna wada dhaleen afar carruur ah, saddex wiil iyo hal gabadh ah.

Gabadhooda Wanu Hafidh Ameir waa siyaasi ka tirsan Tanzania, waxaana xilligan loo magacaabay ku-xigeenka wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda Tanzania.

Ameir wuxuu noqday seyga madaxweynaha Tanzania markii Samia Suluhu Hassan ay xilka madaxweynaha la wareegtay bishii Maarso 2021, kaddib geeridii madaxweynihii hore John Magufuli. Wuxuu ahaa qof si gaar ah u ilaashaday noloshiisa gaarka ah, taas oo sababtay in aan si weyn looga dhex arag munaasabadaha siyaasadeed iyo warbaahinta.

Geeridiisa ayaa kusoo beegantay xilli Madaxweyne Samia ay dalka hoggaaminayso, iyadoo Tanzania ay hadda bilowday baroordiiq iyo qabanqaabada aaska. Faahfaahinta munaasabadaha aaska iyo jadwalkooda ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta Tanzania ay si rasmi ah u shaaciyaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

5 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

6 hours ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

7 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

8 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

8 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

9 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

9 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

9 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.