Wararka24: 4-02-2026:Saif al-Islaam Qadaafi, oo ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucammar Qadaafi, ayaa lagu sheegay in lagu d-lay dalka Liibiya, sida ay sheegeen ilo rasmi ah iyo warbaahinta maxalliga ah.
Geeridiisa ayaa si gooni ah ay u xaqijiyeen qareenkiisa Khaalid al-Saydi iyo la-taliyihiisa siyaasadeed Cabdullaahi Cusmaan, kuwaas oo qoraallo ku baahiyay baraha bulshada, inkasta oo aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dhacdada.
Warbaahinta maxalliga ah ee Fawasil Media ayaa soo werisay in dhacdadu ka dhacday magaalada Sintaan, oo ku taalla galbeedka dalka, halkaas oo Saif al-Islaam deganaa tan iyo markii xabsiga laga sii daayay sanadkii 2017. Kooxdiisa siyaasadeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in dhacdadu ahayd “mid qorshaysan,” iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo sameeyo baaritaan madax-bannaan.
Dhanka kale, Khaalid al-Mishri, oo hore u soo noqday guddoomiyaha Golaha Sare ee Dowladda ee fadhigiisu yahay Tiriibooli, ayaa ku baaqay baaritaan hufan oo lagu ogaanayo cidda ka dambeysay dhacdada. Mas’uuliyiinta dowladda Liibiya ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdadan.
Saif al-Islaam Qadaafi waligiis ma qaban xil dowladeed, balse door muuqda ayuu ku lahaa saameynta siyaasadeed ee qoyska Qadaafi ka hor dhacdooyinkii 2011. Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Liibiya ay weli wajahayo xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.
Wararka muhomka ha kalasoco WARARKA24


















