Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo hay’adaha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.
Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in xarunta wasaaraddu ay jirtay in ka badan 50 sano, isla markaana ay u baahnayd dib-u-habeyn ballaaran. Wuxuu tilmaamay in dib-u-dhiska xaruntu uu sare u qaadi doono tayada adeegyada ay wasaaraddu u fidiso ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay casriyeynta kaabeyaasha hay’adaha qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada dowladda loona abuuro jawi dhiirrigeliya ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, wuxuu shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda dalka laga hirgelin doono warshado waaweyn oo ay maalgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed iyo maalgashadeyaal ajnabi ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay u jihaysatay horumarinta waxsoosaarka iyo soo jiidashada maalgashiga.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, dadaallada lagu hirgelinayo mashruuca dib-u-dhiska xarunta wasaaradda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hay’adda iyo horumarinta adeegyada ay bulshada u hayso.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka ee dib loogu dhisayo xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si loo casriyeeyo adeegyada dowladda loona taageero qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha dalka.






















