Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamza oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo hay’adaha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 11, 2026, 5:22 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamza oo dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo hay’adaha muhiimka u ah kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu ay laf-dhabar u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta ganacsiga, horumarinta wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista jawi ganacsi oo hufan.

Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in xarunta wasaaraddu ay jirtay in ka badan 50 sano, isla markaana ay u baahnayd dib-u-habeyn ballaaran. Wuxuu tilmaamay in dib-u-dhiska xaruntu uu sare u qaadi doono tayada adeegyada ay wasaaraddu u fidiso ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay casriyeynta kaabeyaasha hay’adaha qaranka, si loo dardargeliyo adeegyada dowladda loona abuuro jawi dhiirrigeliya ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Sidoo kale, wuxuu shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda dalka laga hirgelin doono warshado waaweyn oo ay maalgelin doonaan ganacsato Soomaaliyeed iyo maalgashadeyaal ajnabi ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay u jihaysatay horumarinta waxsoosaarka iyo soo jiidashada maalgashiga.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xasan, dadaallada lagu hirgelinayo mashruuca dib-u-dhiska xarunta wasaaradda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hay’adda iyo horumarinta adeegyada ay bulshada u hayso.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka ee dib loogu dhisayo xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si loo casriyeeyo adeegyada dowladda loona taageero qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.