• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigan ayaa loo xilsaaray diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, guddigu wuxuu mas’uul ka noqon doonaa isku xirka hay’adaha dowladda, maamulka kharashaadka ku baxaya xuska, abaabulka munaasabadaha kala duwan iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha.

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), halka xubnaha kale ay ka mid yihiin wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Xubnaha guddiga waxaa kamid ah Bashiir Maxamed Jaamac, Maxamed Cabdi Xayir, Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Xasan Xuseen Maxamed, Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray inay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan muhiimka ah.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in munaasabadaha sanadkan ay door ka qaataan xoojinta dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la xusayo halgankii iyo dadaalladii horseeday xorriyadda iyo mideynta dalka.

Maalmaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan taariikhda Soomaaliya, waxaana sanad kasta lagu xusaa munaasabado lagu muujiyo qiimaha xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

5 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.