Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 5, 2026, 9:47 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddigan ayaa loo xilsaaray diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Sidoo kale, guddigu wuxuu mas’uul ka noqon doonaa isku xirka hay’adaha dowladda, maamulka kharashaadka ku baxaya xuska, abaabulka munaasabadaha kala duwan iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha.

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), halka xubnaha kale ay ka mid yihiin wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Xubnaha guddiga waxaa kamid ah Bashiir Maxamed Jaamac, Maxamed Cabdi Xayir, Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, Xasan Xuseen Maxamed, Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray inay si dhow uga shaqeeyaan diyaarinta munaasabadaha xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada, si loo muujiyo qiimaha taariikheed ee maalmahan muhiimka ah.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in munaasabadaha sanadkan ay door ka qaataan xoojinta dareenka waddaniyadda, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la xusayo halgankii iyo dadaalladii horseeday xorriyadda iyo mideynta dalka.

Maalmaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan taariikhda Soomaaliya, waxaana sanad kasta lagu xusaa munaasabado lagu muujiyo qiimaha xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

23 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

23 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

3 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.