Wararka24: Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay awaamiir amni oo cusub, kuwaas oo lagu xoojinayo sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulkaas, xilli ay jiraan muranno siyaasadeed iyo xaalado amni oo ka taagan qaybo kamid ah Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in go’aamadan ay ka dhasheen shir ay yeesheen guddiga amniga iyo hay’adaha kale ee ay khuseeyaan arrimaha amniga.
Awaamiirta cusub waxaa kamid ah in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo hub ama gaadiid tikniko ah oo aan sharciyeysneyn. Puntland ayaa sheegtay inay si adag ula tacaali doonto dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee ka baxsan nidaamka dowladda.
Sidoo kale, maamulka ayaa mamnuucay shirar siyaasadeed ama kulamo ay qabanayaan kooxo lagu tilmaamay kuwo aan sharciyeysneyn. Dowladda Puntland ayaa digniin u dirtay cid kasta oo abaabusha, martigelisa ama ka qayb qaadata shirarka noocaas ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin abaabulo ka dhan ah Puntland aan loo oggolaan doonin inay si xor ah uga howlgalaan gudaha deegaannada maamulka.
Puntland ayaa intaa ku dartay in ciidamada ammaanka la faray inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan cid kasta oo lagu tuhmo falal lagu carqaladeynayo amniga ama hurinta rabshado iyo qalalaase.
Dhanka kale, maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay joojiso faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee Puntland, gaar ahaan taageeridda ama fududeynta dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo ka socda deegaannada maamulka.
Awaamiirtan cusub ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay weli isku hayaan arrimo la xiriira nidaamka doorashooyinka iyo awoodaha maamulka.



















