Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Pakistan iyo Soomaaliya oo wada-hadlay kadib afdubkii markab shidaal oo ay saarnaayeen 11 qof

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii burcad-badeed hubeysan ay xeebaha Soomaaliya ka afduubeen markab shidaal siday, kaas oo ay saarnaayeen 11 muwaadin oo Pakistani ah iyo kabtan u dhashay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 1, 2026, 12:11 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Pakistan iyo Soomaaliya oo wada-hadlay kadib afdubkii markab shidaal oo ay saarnaayeen 11 qof
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay xiriir toos ah la sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii burcad-badeed hubeysan ay xeebaha Soomaaliya ka afduubeen markab shidaal siday, kaas oo ay saarnaayeen 11 muwaadin oo Pakistani ah iyo kabtan u dhashay Indonesia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa xaqiijisay in wada-xaajoodyo iyo xiriirro diblomaasiyadeed ay socdaan, si xal loogu helo xaaladda la haystayaasha. Afhayeenka wasaaradda, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in dowladda Pakistan ay si dhow ula socoto arrinta, isla markaana ay la shaqeynayso dhammaan dhinacyada ay quseyso.

Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed, Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaadday wada-shaqeyn buuxda oo lagu badbaadinayo shaqaalaha markabka shidaalka ee Honour 25. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la sheegay inay bixisay dammaanad qaad ku saabsan taageerada hawlgallada samata bixinta.

Qoysaska dadka la haysto ayaa codsi degdeg ah u diray Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidamada Badda, iyagoo ka dalbaday in dadaallada lagu sii deynayo ehelladooda la dardargeliyo.

Afduubkan cusub ayaa dib u soo celiyay walaacii laga qabay dib u soo laabashada burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo sanadihii hore caan ku ahaa weerarro culus oo ka dhici jiray Badweynta Hindiya.

Pakistan ayaa sidoo kale sheegtay in xaaladda gobolka iyo xannibaadaha marinnada muhiimka ah ee ganacsiga badda, gaar ahaan marinka Hormuz, ay sii adkeeyeen xaaladda amniga iyo isu-socodka maraakiibta.

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa muujiyay rajo ah in wada-hadallada socda ay horseedi doonaan sii deynta badmaaxayaasha iyo dib u soo celinta xasilloonida marinada badda ee gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.