• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Pakistan oo furtay marinno ganacsi jebisayna go’doominta Mareykanka ee Iran

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Pakistan oo furtay marinno ganacsi jebisayna go’doominta Mareykanka ee Iran
Share

Wararka24: Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay furtay lix waddo oo cusub oo dhanka dhulka ah, kuwaas oo loogu talagalay in badeecadaha lagu gaarsiiyo dalka Iran, xilli ay sii xoogeysanayaan culeysyada ka dhashay xayiraadaha ganacsi ee gobolka.

Go’aankan cusub ayaa yimid iyadoo kumannaan konteenarro ay ku xanniban yihiin dekedda Karachi, kadib caqabado la xiriira isu socodka maraakiibta iyo xaaladda cakiran ee ka taagan marin-biyoodka Hormuz iyo go’doominta ay Mareykanku saareen dekedaha Iran. Wasaaradda Ganacsiga Pakistan ayaa sheegtay in nidaamkan cusub uu dhaqan galay 25-kii Abriil.

Nidaamkan wuxuu sahlayaa in badeecadaha ka yimaada dalal saddexaad lagu sii gudbiyo dhulka Pakistan, si ay ugu gudbaan gudaha Iran. Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, uu booqasho ku tegay Islamabad, halkaas oo uu kula kulmay madaxda sare ee Pakistan.

Wasiirka Ganacsiga Pakistan, Jam Kamal Khan, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ganacsiga gobolka, islamarkaana Pakistan loogu beddelayo marin muhiim ah oo isku xira dalalka dariska ah.

Waddooyinka cusub ayaa isku xiraya dekedaha Karachi, Port Qasim iyo Gwadar, iyagoo gaaraya xuduudda Iran ee Gabd iyo Taftan. Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay in marinka Gwadar ilaa Gabd uu si weyn u yareynayo waqtiga safarka iyo kharashaadka gaadiidka.

Go’doominta Mareykanku aya sababay ganacsiga badda iyo kororka qiimaha caymiska maraakiibta ayaa sare u qaaday muhiimadda marinnada berriga. Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabadan ay beddeli karto jihada ganacsiga gobolka, isla markaana saameyn ku yeelan karto waddamada deriska la ah Pakistan, gaar ahaan Afghanistan.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.