Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Pakistan oo loo haysto dilka dad Afghaanistiyiin ah xilli

Weerar culus oo la sheegay in ay fuliyeen ciidamada Pakistan ayaa laga soo sheegay gobolka Kunar ee dalka Afghanistan, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 7 qof, laguna dhaawacay in ka badan 75 kale, sida ay sheegeen ilo…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 28, 2026, 1:19 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Pakistan oo loo haysto dilka dad Afghaanistiyiin ah xilli
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Weerar culus oo la sheegay in ay fuliyeen ciidamada Pakistan ayaa laga soo sheegay gobolka Kunar ee dalka Afghanistan, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 7 qof, laguna dhaawacay in ka badan 75 kale, sida ay sheegeen ilo kala duwan oo ay BBC soo xigatay.

Dadka waxyeelladu gaartay ayaa la sheegay inay ku jiraan arday iyo macallimiin ka tirsan Jaamacadda Kunar, iyadoo dowladda Taliban ay sheegtay in 30 ka mid ah dhaawacyada ay yihiin arday jaamacadeed.

Wasaaradda warfaafinta ee Pakistan ayaa beenisay in ay beegsatay jaamacadda iyo deegaanno rayid ah, iyadoo ku tilmaantay wararkaasi kuwo aan sax ahayn.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Taliban ayaa sheegay in weerarka lagu adeegsaday madaafiic iyo gantaallo, halka ilo kale ay tilmaameen in diyaarado dagaal iyo drones loo adeegsaday duqeynta. Weerarkan ayaa dhacay xilli gobolka uu hore u wajahayay xiisado amni iyo duqeymo isdaba joog ah.

Warbixinnada ayaa sidoo kale muujinaya in toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hormuud ka ahayd China, kuwaas oo horseeday xabbad-joojin jilicsan oo u dhexeysa Pakistan iyo Taliban, inkastoo ay hadda mar kale xiisaddu cirka isku shareertay.

Afhayeenka Taliban ayaa weerarradan ku tilmaamay “dambiyo dagaal,” halka Pakistan ay sheegtay in howlgalladeedu ay bartilmaameedsadaan kooxo hubeysan oo ku sugan gudaha Afghanistan.

Xiisaddan cusub ayaa muujinaysa sii xumeynta xiriirka u dhexeeya labada dal, xilli ay hore u jireen eedeymo is-daba joog ah iyo dagaallo xuduudeed oo sababay khasaare culus.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

22 hours ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

22 hours ago
Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

22 hours ago
deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

22 hours ago
Qorshe Mareykan ah oo  lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

Qorshe Mareykan ah oo lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

2 days ago
Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

2 days ago
Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

2 days ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.