Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Pakistan oo iska bixisay $3.5 bilyan oo u ku lahaa Imaaraadka

Dowladda Pakistan ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay bixinta deyn dhan $3.5 bilyan oo ay ku lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta , taas oo qayb ka ahayd waajibaadkeeda deynta dibadda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 25, 2026, 10:14 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Pakistan oo iska bixisay $3.5 bilyan oo u ku lahaa Imaaraadka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Pakistan ayaa si rasmi ah u dhammaystirtay bixinta deyn dhan $3.5 bilyan oo ay ku lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta , taas oo qayb ka ahayd waajibaadkeeda deynta dibadda.

Bangiga Dhexe ee Pakistan ayaa sheegay in lacag dhan $1 bilyan lagu celiyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, halka $2.45 bilyan la bixiyay toddobaadkii ka horreeyay, taas oo dhammaystirtay guud ahaan deynta la lahaa Imaaraadka.

Deyntan ayaa asalkeedu dib ugu laabanayaa sanadkii 2018-kii, markaas oo Imaaraadku uu Pakistan siiyay $2 bilyan oo dhigaal ah, iyadoo sanadihii xigay la kordhiyay taageerada dhaqaale, oo ay ku jirtay $1 bilyan oo kale sanadkii 2023.

Bixintan ayaa timid kadib markii Pakistan ay heshay taageero maaliyadeed oo dhan $3 bilyan oo ka timid Saudi Arabia, taas oo ka caawisay inay xasiliso kaydka lacagaha qalaad.

Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay inay hadda diiradda saarayaan kor u qaadista kaydka maaliyadeed, iyagoo bartilmaameedsanaya in ay gaarsiiyaan ilaa $18 bilyan dhammaadka sanad-maaliyadeedka socda.

Dowladda Islamabad ayaa sidoo kale ka shaqeynaysa fulinta barnaamij ay la leedahay International Monetary Fund oo qiimihiisu yahay $7 bilyan, si looga baxo caqabadaha dhaqaale ee muddada dheer soo jiitamayay.

Sannadihii u dambeeyay, Pakistan waxay si weyn ugu tiirsaneyd taageerada dalalka saaxiibada ah iyo dib u dhigista deymaha, si ay u xakameyso cadaadiska dhaqaale ee ka dhashay hoos u dhaca kaydka lacagaha qalaad iyo dhibaatooyinka isu-dheellitirka bixinta.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xasillinta dhaqaalaha Pakistan, iyadoo sidoo kale muujineysa xiriirka dhaqaale ee dhow ee kala dhexeeya dalalka Khaliijka


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

2 days ago
Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

2 days ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

2 days ago
Midowga Afrika iyo EU oo  ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

Midowga Afrika iyo EU oo ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

2 days ago
Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

3 days ago
QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

3 days ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

3 days ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.