Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo si adag uga jawaabay khudbaddii Xasan Sheekh

Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga falceliyay khudbaddii uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud habeenkii Talaadada u jeediyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, xilli uu casho sharaf ugu sameeyay xarunta Villa Somalia.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 29, 2026, 11:38 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo si adag uga jawaabay khudbaddii Xasan Sheekh
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga falceliyay khudbaddii uu Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud habeenkii Talaadada u jeediyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, xilli uu casho sharaf ugu sameeyay xarunta Villa Somalia.

Abdirahman Abdishakur Warsame, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa ku tilmaamay khudbadda madaxweynaha mid aan lahayn nuxur siyaasadeed oo mideyn kara bulshada. Wuxuu sheegay inay ahayd khudbad ka muuqatay isku dhex yaac iyo kalsooni darro siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in hadalka madaxweynaha looga baahnaa inuu dejiyo dareenka shacabka, xoojiyo midnimada ummadda, isla markaana ka fogaado hadallo kala qaybin abuuri kara. Sida uu sheegay, khudbaddii la jeediyay ma aysan ka tarjumeyn mas’uuliyadda madaxtinimo iyo xaaladda xasaasiga ah ee dalka marayo.

Sidoo kale, siyaasiga mucaaradka ayaa ku dhaliilay madaxweynaha inuu odayaasha dhaqanka la wadaagay walaaca la xiriira dhammaadka muddo-xileedkiisa, halkii uu ka soo bandhigi lahaa qorshe cad oo lagu wajaho xaaladda siyaasadeed.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacay mowqifkiisa, isagoo sheegay inuu ka duwan yahay habkii siyaasadeed ee dowladdii hore, isla markaana uu la tashiyo ballaaran la sameeyay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u gudbi doonto doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in shacabka la siinayo fursad ay si toos ah uga qayb qaataan doorashada hoggaanka dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo weli la isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo sida loo wajahayo marxaladda kala guurka ah ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

21 hours ago
Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

Boosaaso oo loo adeegsaday marin calooshood u shaqeystayaal Suudaan

22 hours ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

23 hours ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

2 days ago
Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

Israa’iil oo ka jawaabtay hadalkii JD Vance ee ku saabsanaa xiriirka Mareykanka

2 days ago
Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

Xasan Sheekh: Khilaafkeenna siyaasadeed shisheeye lama dhex geli karo

2 days ago
Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

Xiisadda Suudaan iyo Itoobiya oo sii xoogeysatay kadib tallaabooyin aargoosi ah

2 days ago
Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

Soomaaliya oo ka digtay in dagaallada Itoobiya….

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.