• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo shaki geliyay qorshaha dowladda dib-u-dejinta barakacayaasha

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mucaaradka oo shaki geliyay qorshaha dowladda dib-u-dejinta barakacayaasha
Share

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa su’aal geliyay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira dib-u-dejinta shacabka laga barakiciyay dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho, xilli muranka arrintan uu sii xoogeysanayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda taagan ayaa si adag u dhaliilay dowladda, isaga oo sheegay in tallaabooyinka socda ay muujinayaan jahawareer siyaasadeed iyo isku day lagu yareynayo cadaadiska ka dhashay burburinta guryaha shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in inkastoo dowladda ay ku dhawaaqday in la joojiyay burburinta dhulalka, haddana isla habeenkii la dumiyay xaafado horleh, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo ka hor imaaneysa hadalladii dowladda.

Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay qorshaha dowladda ee dhismaha 10 kun oo guri oo loo ballanqaaday dadka barakacayaasha ah, isaga oo sheegay in ay adag tahay in la aamino qorshe cusub oo ka imanaya isla dawladii dadka ka raraysi deegaannadooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay waddo qorshe dib-u-dejin ah oo loogu talagalay qoysaska laga raray dhulalka danta guud, iyadoo sheegtay in la hakiyay sii wadista burburinta ka socotay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli mucaaradka ay isku diyaarinayaan dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda, kaas oo la qorsheeyay inuu 10-ka bishan ka qabsoomo Muqdisho, waxaana la filayaa in shacabka laga raray guryahooda ay qeyb muuqata ka noqdaan isu soo baxaas.

Muranka ku saabsan dhulalka danta guud iyo dib-u-dejinta dadka barakacay ayaa noqday mid sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyadoo xaaladda caasimadda ay weli tahay mid xasaasi ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.