• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Villa Somalia oo beddeshay saraakiisha kontoroollada Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Villa Somalia oo beddeshay saraakiisha kontoroollada Muqdisho
Share

Wararka24: Dowlada Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan baraha koontaroolka ee laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo la beddelay ciidamadii iyo taliyeyaashii hore ee halkaas ka howlgalayay.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay qorshe lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, gaar ahaan goobaha muhiimka ah ee laga soo galo Muqdisho iyo meelaha lagu baaro gaadiidka. Warar laga helayo ilo amni ayaa tilmaamaya in qorshahan uu sidoo kale xambaarsan yahay ujeeddooyin siyaasadeed.

Saraakiil iyo ku-xigeennadoodii hore uga sugnaa koontaroollada magaalada ayaa loo wareejiyay gobollada dalka, kadib markii Villa Somalia ay go’aansatay in la keeno ciidamo iyo hoggaan cusub oo ay si dhow ugu kalsoon tahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada cusub lagu kala daadiyay gudaha magaalada iyo baraha koontaroolka, si loo adkeeyo xakameynta amniga iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka, xilli ay sii kordheyso xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

Isbeddelka ugu weyn ayaa laga dareemay waddooyinka waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan dhulka isku xira degmada Kaaraan iyo Suuqa Xoolaha, halkaas oo ciidamo hore uga howlgalayay la beddelay, lana keenay kuwo cusub.

Saraakiisha cusub ee loo magacaabay goobahaas ayaa la sheegay inay si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska sare ee dowladda, iyadoo tallaabadan loo arko mid lagu xoojinayo saameynta Villa Somalia ee amniga magaalada.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, islamarkaana ay taagan tahay muran xooggan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo wadahadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Mucaaradka ayaa dhankooda sii wada abaabul siyaasadeed iyo qorsheyaal dibadbax, halka dowladda ay adkeyneyso in amniga Muqdisho uu yahay mudnaanta koowaad, taas oo sii muujineysa sida xaaladda siyaasadeed iyo amni ay isugu xiran yihiin xilligan.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.