Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Muqdisho oo marti-gelisay shir amni oo muhiim ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shir ay isugu yimaadeen taliyayaasha sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 30, 2026, 12:56 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Muqdisho oo marti-gelisay shir amni oo muhiim ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shir ay isugu yimaadeen taliyayaasha sirdoonka dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika

Shirkan oo soconaya 29-ka ilaa 30-ka April 2026 ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amniga ee gobolka Bariga Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca xogaha sirdoonka iyo la dagaallanka khataraha amni.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaysa kulanka ayaa la filayaa inay si qoto dheer uga doodaan arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, dambiyada abaabulan iyo caqabadaha amni ee sii kordhaya, kuwaas oo saameyn ku leh dalalka gobolka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in iskaashiga dhinaca sirdoonka uu muhiim u yahay xasilinta gobolka, isaga oo tilmaamay in khataraha amni aysan ku ekaan xuduudaha hal dal, balse ay saamayn guud ku leeyihiin gobolka oo dhan.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habaynta ciidamada iyo horumarka laga sameeyay xoojinta awoodda ciidanka, taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee sugidda amniga gudaha iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Shirka Muqdisho ka socda ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dalalka gobolka, xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo isku xirka howlaha sirdoonka si looga hortago khataraha soo kordhaya.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaysa kulanka ayaa la filayaa inay soo saaraan qodobbo iyo talooyin lagu xoojinayo amniga gobolka iyo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ka ah ururka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

13 hours ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

14 hours ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

14 hours ago
Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

Xildhibaano Ingiris oo ka baxay guddiga barlamanka ee Somaliland kadib

18 hours ago
Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

Itoobiya iyo Eritrea oo ciidamo soo dhoobay xududda iyado isku dhacyo la shegay

19 hours ago
Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

2 days ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

2 days ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.