• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri
Share

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii dardargelinayaan abaabulka dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco caasimadda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ay qorsheysteen inay isku fidiyaan degmooyinka Hodan, Dayniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan, si ay halkaas uga abaabulaan taageerayaashooda una fududeeyaan isu soo baxa.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, uu gaaray waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo lagu wado inuu ka bilaabo dhaqdhaqaaqyada dibadbaxa.

Wararka ayaa tilmaamaya in qorshaha mucaaradka uu yahay in banaanbaxa laga bilaabo meelo kala duwan oo caasimadda ah, kadibna la mideeyo isu soo baxa si loo muujiyo cabashada la xiriirta dhulalka danta guud iyo barakicinta dadka shacabka ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa horey u sheegay in banaanbaxu uu bilaaban doono 7:00 subaxnimo, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan si ay u muujiyaan dareenkooda una raadsadaan xuquuqdooda.

Khayre ayaa sidoo kale ka digay in ciidamada ammaanka loo adeegsado arrimo siyaasadeed, isagoo ku baaqay in dibadbaxu ahaado mid nabadeed oo aan loo adeegsan rabshado iyo qalalaase.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey uga digtay qabashada dibadbaxa, iyadoo sheegtay in tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga caasimadda aan la aqbali doonin.

Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo indhaha lagu hayo sida uu u qabsoomi doono dibadbaxa iyo saameynta uu ku yeelan karo xaaladda guud ee amniga iyo siyaasadda dalka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.