Wararka25: 22-02-2026 Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, ayaa warqad dheer oo xasaasi ah u diray La-taliyaha Amniga Qaranka Imaaraadka Carabta, Tahnoon bin Zayed, isagoo kaga cabanaya faragelinta Abu Dhabi ee Suudaan iyo Yemen, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan iyo reer Galbeed ah oo la hadlay warbaahinta Middle East Eye.
Warqaddan oo la diray toddobaadyo ka hor ayaa xambaarsaneyd tabashooyin faahfaahsan oo Riyadh ka muujisay taageerada Imaaraadku siiyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ee Suudaan, iyadoo Sacuudigu sheegay inuusan mar dambe u dulqaadan doonin sii socoshada dagaalka sokeeye ee dalkaas.
Sidoo kale, warqadda ayaa Sacuudigu ku difaacday faragelintiisa milatari ee Yemen, isaga oo ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah sugidda amniga qarankiisa.
Sacuudiga ayaa warqadda ku caddeeyay in Yemen uu u arko dal si gaar ah ugu jira saameyntiisa, isla markaana Riyadh ay doonayso inay hoggaamiso dadaallada lagu xakameynayo faragelinta shisheeye ee dalkaas. Waxaa sidoo kale lagu muujiyay diidmada Sacuudiga ee taageerada Imaaraadku siiyo Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Yemen (STC), taas oo Riyadh ku tilmaantay khad cas.
Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa sheegay in warqaddu aysan wadan saxiix rasmi ah, balse qiimeynaha sirdoonka ay muujinayaan in ay ka timid Dhaxal-sugaha Sacuudiga. Warqadda ayaa sidoo kale u muuqatay mid si dadban farriin ugu diraysa Washington, si Sacuudigu u muujiyo walaaca uu ka qabo siyaasadda Imaaraadka, inkastoo lagu adkeeyay in xiriirka labada dal uu weli yahay mid walaaltinimo.
Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegantay xilli Madaxweyne Donald Trump uu si fagaare ah u qirtay inuu jiro khilaaf u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, isagoo sheegay in Washington ay ka warqabto is-mari-waaga u dhexeeya labada xulafo. Wararku waxay tilmaamayaan in khilaafka labada dhinac uu saameyn ku yeeshay arrimaha amniga iyo loollanka saameynta ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
Tahnoon bin Zayed, oo ah walaalka Madaxweynaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayed, ayaa door muhiim ah ku leh go’aan-qaadashada amniga iyo siyaasadda dibadda ee Abu Dhabi, waxaana loo arkaa shaqsi si weyn ugu lug leh maaraynta xasaradaha diblomaasiyadeed ee dalkiisa.


















