• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mareykanka oo ka hadlay xadgudubkii calankiisa loogu geystay Soomaaliya

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo ka hadlay xadgudubkii calankiisa loogu geystay Soomaaliya
Share

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii lagu arkay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, iyadoo soo dhaweysay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga falcelisay arrintaas.

Bayaan ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay dowladda Soomaaliya sida degdegga ah ee ay u baartey dhacdada isla markaana u soo xirtay dadka looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falkaasi.

Safaaraddu waxay sheegtay in dadka isku dayaya inay dhaawacaan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ay waxyeello u geysanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo carrabka ku adkeysay in cid kasta oo ku lug leh falalkaas lala xisaabtamo.

Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in uu muddo dheer taageero dhinacyo badan ah siiyay Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska hay’adaha amniga iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iskaashiga labada dal.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar eedeysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen falka lagu xadgudbay calanka Mareykanka. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dhammaan eedeysanayaashu ay ku jiraan gacanta dowladda, isla markaana lagu wado in la marsiiyo tallaabooyin waafaqsan sharciga.

Wasaaraddu waxay mar kale caddeysay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya sharafta Ciidamada Qalabka Sida ama saameyn ku yeelan kara xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyadoo sheegtay in baaritaannada la xiriira dhacdada ay weli socdaan.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.