• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mahad Salaad oo Balanballe ka dhagax-dhigay xero cusub oo NISA yeelanayso

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Mahad Salaad oo Balanballe ka dhagax-dhigay xero cusub oo NISA yeelanayso
Share

Wararka24: Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta magaalada Balanballe ee gobolka Galgaduud ka dhagax-dhigay xero ciidan oo ay yeelan doonaan ciidamada hay’adda.

Xeradan cusub ayaa loogu talagalay inay saldhig u noqoto ciidamada NISA ee ka shaqeyn doona sugidda amniga degmada Balanballe iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo la filayo inay gacan ka geysato xoojinta amniga gobolka.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo soo dhaweeyay dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha amniga.

Mahad Salaad, oo safar shaqo ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug, ayaa intii uu ku sugnaa gobolka Galgaduud kormeeray xaaladda amniga, gaar ahaan degmooyinka ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakiisha amniga, maamulka degmada iyo qaybaha bulshada, kuwaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, ilaalinta nabadda iyo taageeridda dadaallada sugidda amniga.

Maalmo ka hor, Mahad Salaad ayaa magaalada Caabudwaaq ka dhagax-dhigay xero kale oo ay yeelan doonto NISA, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu ballaarinayo xarumaha amniga ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa sheegay in xarumaha cusub ay muhiim u yihiin sugidda amniga deegaannada gobolka, isla markaana ay door ka qaadan doonaan la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah xasilloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay dadaallada lagu ballaarinayo xarumaha ciidamada iyo hay’adaha amniga ee gobollada dalka, si loo taageero howlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.