• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, January 24, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
10 months ago
Reading Time: 3 mins read
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi ka sare oo ka socday Imaaraadka Carabta, kaas oo uu horkacayay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa daba-socday wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray labada madaxweyne, kaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee labada dowladooda.

Wasiiru-dowlaha maanta la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa soo gaarsiiyey dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid, oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha Somaaliya ayaa guddoomay farrinta, isagoo uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Taageerada Imaaraadka iyo dhaqaalaha Soomaaliya

Dowladda Soomaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka, si gaar ah waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka ciidamada qaar, kabka miisaaniyadda, iyo lacago kale oo mararka qaar ay dowladdu u baahato.

Dhowaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas.

Safarkaan uu dhalax-sugaha Imaaraadku ku yimid Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.

Waxaa xusid mudan in dhowr mar Imaaraadku uu dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadiyey hufnaan u maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan, iyadoo mar ay dalbadeen baaritaan. Balse saraakiishii loo xilsaaray baaritaankaas ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey markii saraakiishaas la dilay, waxaa is bedeshay firfircoonidii Imaaraadku la garab taagnaa Soomaaliya. Waxayna Xasan Sheekh u muujiyeen in dhabarka ay xijiyeen, iyagoo ka wareegay dhanka Soomaliland iyo maamul goboleedyada kale qaar, ilaa ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Madax weynaha Xasan Sheekhwararka mantawararka somalia
Previous Post

Shabellaha Hoose, Waxa manta qarax lagu dilay Taliye Jareere iyo Wararkii ugu Dambeeyay Manta

Next Post

Caasimadda Daraawiishta ee Laascaanood Sawiro Quruxbadan Caawa laga qaaday iyo Udiyaargarowga Ciida

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee...

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare...

Wilkie

Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Haba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan,...

Fiqi

Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin...

Guban

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno...

Xasan Sheekh

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

by Amin Cali Abdi
January 23, 2026

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud,...

Load More
Next Post
Laascaanood

Caasimadda Daraawiishta ee Laascaanood Sawiro Quruxbadan Caawa laga qaaday iyo Udiyaargarowga Ciida

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Alcadaala “Xalka Al-Shabaab waa in la dilo”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku hoyday Cadale, dardargelinta dagaalka Al-Shabaab + SAWIRO

Recommended

Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed oo fariin udiray shacabka soomaliyeed Kadib weerarki al-shabaab ee baledweyne?

11 months ago
Ciidanka Puntland

Ciidanka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Xarun Tababarka Argagixisada Daacish.

6 months ago
Koko

DAAWO: Koko oo kamid ah yuutubarada ugu caansan Soomaalida ayaa la ilmeeysay dhacdo ku qabsatay Muqdisho..

4 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis Weyn Kuhaayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka?

11 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

11 months ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa somalia Ku Qaabilay Eto’o, Adebayor iyo Okocha + SAWIRO

8 months ago
Dalmar Cadow

DAAWO, Waxan ahay MUSHARAX! Dalmar Cadow Gudomiyaha Naafada degmada Dharkeynley?

9 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.