Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweynaha FIFA oo ka hadlay kiiska Garsoore Cumar Cartan

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa ka hadlay xaaladda garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, isagoo sheegay in dhacdada ku dhacday garsoorahaasi ay tahay mid laga xumaado, balse FIFA aysan awood u lahayn inay wax…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 11, 2026, 1:12 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha FIFA oo ka hadlay kiiska Garsoore Cumar Cartan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, Gianni Infantino, ayaa ka hadlay xaaladda garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, isagoo sheegay in dhacdada ku dhacday garsoorahaasi ay tahay mid laga xumaado, balse FIFA aysan awood u lahayn inay wax ka beddesho go’aannada ay gaaraan dowladaha iyo hay’adaha amniga.

Infantino oo warbaahinta kula hadlay shir jaraa’id ayaa sheegay in FIFA ay mar walba ku dadaasho sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha noocan oo kale ah, isla markaana ay la xiriirto dhinacyada ay khuseyso marka ay soo baxaan arrimo saameynaya bahda kubadda cagta.

“Waa arrin nasiib darro ah waxa ku dhacay Cumar Cartan. Waxaan mar walba isku daynaa inaan xal u helno xaaladaha noocan ah, waxaanan la xiriiri doonnaa dhinacyada ay khuseyso si loo eego waxa suuragalka ah,” ayuu yiri Madaxweynaha FIFA.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in mararka qaar xalinta arrimaha noocan ah ay u baahan tahay wada-hadal iyo dadaal diblomaasiyadeed, halkii laga adeegsan lahaa cadaadis degdeg ah ama hadallo kulul.

Infantino ayaa carrabka ku adkeeyay in FIFA ay tahay hay’ad isboorti oo aan lahayn awood ay ku maamusho dowladaha ama hay’adaha amniga. Wuxuu sheegay in ururku uu qabto wixii suuragal ah awooddiisa, balse uusan go’aan ka gaari karin arrimaha socdaalka iyo amniga dalalka martigelinaya tartamada.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Garsoore Cumar Cartan looga diiday inuu galo Mareykanka, inkastoo loo qorsheeyay inuu ka qeyb qaato howlaha la xiriira Koobka Adduunka. Dhacdadaas ayaa dhalisay falcelin ballaaran gudaha Soomaaliya iyo fagaarayaasha caalamiga ah.

Cumar Cartan ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay inuu sii wadi doono dadaalkiisa garsoornimo islamarkaana uu rajeynayo inuu ka qeyb galo tartamada waaweyn ee mustaqbalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

2 days ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.