Dalka Zambia ayaa ku sugan xilli koror weyn uu ku yimid maalgashiga macdanta naxaasta, iyadoo shirkado caalami ah ay dalkaas ku shubayaan balaayiin doollar.
Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema, ayaa sheegay in tan iyo sannadkii 2022 in ka badan 12 bilyan oo doollar lagu maalgashaday qeybta macdanta.
Maalgashadeyaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ah shirkadaha First Quantum Minerals iyo Barrick ee Kanada, Vedanta Resources ee Hindiya iyo shirkadda China Nonferrous Metal Mining Group ee Shiinaha.
Shirkadda International Resources Holding, oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, ayaa iyana ballanqaaday 1.1 bilyan oo doollar oo lagu soo nooleynayo macdanta Mopani. Shirkaddu waxay leedahay 51 boqolkiiba, halka shirkadda dowladda ee ZCCM ay leedahay 49 boqolkiiba.
Zambia ayaa qorsheyneysa inay sannadkii 2031 soo saarto saddex milyan oo tan oo naxaas ah sannadkii. Hadda wax soo saarka sannadlaha ah ayaa ka yar hal milyan oo tan.
Dowladda ayaa sidoo kale ku dhawaad dhammeysay sahan hawada laga sameeyay oo lagu raadinayo macdano aan weli la helin.
Hichilema ayaa awoodda macdanta dalkiisa la barbardhigay sida Imaaraadka Carabta uu u adeegsaday shidaalka iyo gaaska si uu u horumariyo dhaqaalihiisa.
Wuxuu sheegay in Zambia, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo iyo Koonfur Afrika ay ka wada hadlayaan mashruuc wadajir ah oo lagu sameynayo baytariyada gaadiidka korontada.
Dowladda ayaa sidoo kale soo saartay sharci ku qasbaya shirkadaha macdanta inay ugu yaraan 20 boqolkiiba alaabta iyo adeegyada muhiimka ah ka iibsadaan shirkadaha gudaha. Saamigaas ayaa sannadka dambe gaari doona 25 boqolkiiba.
Hase yeeshee su’aal weyn ayaa taagan: yaa dhab ahaan ka faa’iideysanaya maalgashigan?
Stephen Mwaanga, oo ah xoghayaha ururka shaqaalaha macdanta, ayaa sheegay in xaaladda shaqaalaha aysan wax isbeddel ah ku iman, inkastoo qiimaha naxaastu kor u kacay, maalgashiguna kordhay.
Dhinaca deegaanka, Eugene Mulenga, oo u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ka digay in kordhinta wax soo saarku ay culeys weyn saari karto deegaanka.
Wuxuu sheegay in beeraleyda iyo dadka saboolka ah ee ku tiirsan biyaha ku dhow macdanta ay hadda waxyeello soo gaartay.
Bishii Febraayo 2025, biyo xireen ay leedahay shirkad Shiinees ah oo lagu kaydiyo haraaga macdanta ayaa jabay. Qashinka sunta leh ayaa ku daatay webiyo ay ka mid yihiin webiga Kafue.
Sidoo kale abaarta gobolka ayaa saameysay korontada biyaha ee Zambia ay aad ugu tiirsan tahay, taasoo cadaadis ku ah warshadaha macdanta.
Zambia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan Afrika ee soo saara naxaasta, oo ah macdan muhiim u ah sameynta baytariyada, gaadiidka korontada iyo tamarta la cusbooneysiin karo.









