Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran

Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia Brian Mundubile ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah, sida uu sheegay qareenkiisa oo lagu magacaba Kambwa Aongola, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii xoogeysanayso kaddib doorashadii madaxtinimada ee 13-kii…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 30, 2026, 3:24 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo lagu soo oogay dacwad ah khiyaano qaran
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hoggaamiyaha mucaaradka Zambia Brian Mundubile ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad khiyaano qaran ah, sida uu sheegay qareenkiisa oo lagu magacaba Kambwa Aongola, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee dalka ay sii xoogeysanayso kaddib doorashadii madaxtinimada ee 13-kii Agoosto. Mundubile iyo ku-xigeenkiisa Makebi Zulu ayaa labaduba ku jira xabsiga dhexe ee Lusaka.

Qareen Kambwa Aongola ayaa sheegay in labada siyaasi lagu soo oogay dacwadda, halka qareen Milner Katolo uu sheegay in guud ahaan 18 qof lagu soo oogay hal dacwad oo khiyaano qaran ah. Qareenkiisa ayaa sheegay in dacwadda loo baahan yahay in maxkamad la horgeeyo si dowladda loogu qasbo inay soo bandhigto caddeymaha ay ku saleyneyso eedeymaha.

Mundubile ayaa la xiray Khamiistii kaddib markii uu muddo ku jiray meel ammaan uu ah, isagoo ka cararay howlgallo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen hanti lala xiriiriyay isaga. Howlgalkaas ayaa sababay dhimashada wasiirkii hore ee gaadiidka iyo isgaarsiinta, Mutotwe Kafwaya, halka 11 qof oo kale la xiray sida ay sheegeen warbixinno kala duwan.

Mundubile iyo Makebi Zulu ayaa markii magan gelyo ka doontay dhisme ay Qaramada Midoobay ku leedahay Lusaka.Iyadoo markii dambe loo gudbiyay ciidamada Zambia, Qaramada Midoobay aya sheegtay in dowladda uu xaqiijisay in madaxdaas la wareejina lana marin doono nidaam sharci oo cadaalad ah.

Xiisadda ayaa ka dhalatay doorashadii 13-kii Agoosto, taas oo Madaxweyne Hakainde Hichilema loogu dhawaaqay inuu ku guuleystay ku dhowaad 60 boqolkiiba codadka, halka Mundubile uu helay 38 boqolkiiba. Mundubile ayaa diiday natiijada, isagoo sheegay inay jireen khaladaad doorasho, wuxuuna qorsheeyay inuu natiijada maxkamadda ka hor yimaado.

Si kastaba, maxkamadaha Zambia ayaa la xiray 24-kii Agoosto, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee lagu gudbin karay dacwadda doorashada. Mas’uuliyiintu waxay sabab uga dhigeen go’aanka walaac dhinaca amniga ah, taasoo mucaaradka iyo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay ku tilmaameen arrin sii kordhisay muranka siyaasadeed.

Dowladda Zambia ayaa hore ugu eedeysay Mundubile iyo kooxdiisa inay qorsheynayeen kacdoon hubeysan ama khatar amni oo ka dhan ah dowladda. Mundubile ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuuna sheegay in mucaaradku uusan wadan qorshe hubeysan.

Ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay xarigga siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka kale ee lala xiriiriyay kiiska. Qaramada Midoobay ayaa horey ugu baaqday dowladda Zambia inay dhowrto xuquuqda dadka la xiray iyo xaqa ay u leeyihiin hannaan maxkamadeed oo cadaalad ah.

Madaxweyne Hakainde Hichilema ayaa lagu wadaa inuu bilaabo muddo-xileedkiisa labaad 1-da Sebtembar. Iyadoo dacwadda khiyaano qaran ay hadda maxkamad u gudubtay, kiiska Mundubile ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo doodda ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo mustaqbalka dimuqraadiyadda Zambia.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

22 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

22 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.