Wararka24: Maamulaha xarun lagu tababaro macallimiinta oo lagu magacaabo Xasan Cali Cabdikariin, loona yaqaan Xasan Good, ayaa maanta lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Koox aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inay Xasan Cali Cabdikariin ka kaxeysatay gudaha magaalada, iyadoo ilaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda ka dambeysay dhacdada.
Afduubka ayaa walaac iyo hadal-heyn xooggan ka dhex dhaliyay bulshada Beledweyne, waxaana weli aan la ogeyn sababta loo afduubtay, goobta loo kaxeeyay iyo cidda fulisay falka.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in dadaallo lagu raadinayo halka uu ku sugan yahay Xasan Good ay socdaan, balse ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda afduubka.
Gobolka Hiiraan waxaa mararka qaar ka dhaca afduubyo lala xiriiriyo khilaafaadyo iyo isqabqabsi beeleed, hase yeeshee lama xaqiijin in dhacdadan cusub ay xiriir la leedahay arrimo noocaas ah.
Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga Beledweyne, maamulka gobolka Hiiraan ama dowlad-goboleedka HirShabeelle oo ku saabsan dhacdadan.
Afduubka ayaa kusoo beegmaya xilli walaac laga muujinayo xaaladda amni ee magaalada, iyadoo la filayo in hay’adaha amnigu ay sii wadaan baaritaanka iyo dadaallada lagu raadinayo Xasan Cali Cabdikariin.







